Faahfaahino ka soo baxaya dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay degmada Waajid

Waxaa soo baxaya faahfaahino ka soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaasoo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Waajid oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu jiro khasaaro soo gaaray dad shacab ah iyo labada dhinac ee halkaas isku fara saaray, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Saldhig Ciidamada Itoobiya ee la weeraray ayaa ku yaalla Waqooyiga ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool sida wararku nagu soo gaarayaan

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen degaano u dhow degmada Waajid, kuwaasoo aan ka ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay degmsda Waajid ayaa  sheegaya in xaaladu ay hadda degan tahay inkastoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -